Gudoomiye Ku-xigeenka Gobalka Sh/Hoose oo Caawa lagu diley Afgooye

November 06, 2019 (Awdinle Online) – War Goor dhow soo gaaray ayaa waxaa uu sheegayaa in weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday guriga uu Degmada Afgooye ka deganaa Guddoomiye Cumar Carabey, isagoona u geeriyooday dhaawac Culus uu ka soo gaaray weerarkaas.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay in ragii weerarka soo qaaday goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana haatan goobta uu falka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weli ma jiro wax war ah oo ka baxay maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay uga hadlayaan weerarka lagu dilay Guddoomiye Cumar Carabey oo ka tirsanaa tirsanaa Maamulkaas.