Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda oo booqasho ku yimid Soomaaliya

November 06, 2019 (Awdinle Online) – Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda Jeneraal Peter Elwelu ayaa booqasho kedis ah ku yimid Magaalada Muqdisho Caasimadda Dalka, waxaana uu la kulmay saraakiisha sar sare Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM.

kulanka oo ka dhacay Xerada Ciidamada Uganda ee Muqdisho ee Xalane ayaa waxaa uu General Peter Elwelu kala hadlay Saraakiisha in ay ilaaliyaan dhaqanka degaannada ay ka howlgalayaan, sidoo kalena dhowraan Xuquuqda aadanaha iyo xirfaddooda shaqo.

General Peter Elwelu, ayaa sidoo kale saraakiisha uu la kulmay gaarsiiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Yuweri Museveni, waxaana uu u sheegay in Madaxweynaha uu bogaadiyay shaqadooda ee Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in howsha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya ay sumcad u tahay dalka Uganda iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Janaraalka ayaa uga digay Saraakiisha in ay si qaab daran u gutaan shaqadooda isaga oo sheegay in sarkaalkii lagu arko dhaqan xumo uusan ka mid ahayn UPDF, loona baahanyahay in wax laga qabto.