Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho

November 5, 2019 (AO) – Jeneraal Peter Elwelu  Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda ayaa booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho,waxaana uu la kulmay saraakiisha Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM.

kulanka oo ka dhacay Xerada Ciidamada Uganda ee Muqdisho ayaa waxaa uu Taliye Peter Elwelu kala hadlay Saraakiisha in ay ilaaliyaan dhaqanka degaannada ay ka howlgalayaan, sidoo kalena dhowraan xirfaddooda.

Peter Elwelu, ayaa sidoo kale saraakiisha uu la kulmay gaarsiiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Yuweri Museveni,waxaana uu u sheegay in Madaxweynaha uu bogaadiyay shaqadooda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in howsha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya ay sumcad u tahay dalka Uganda iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Taliyaha ayaa uga digay Saraakiisha in ay si qaab daran u gutaan shaqadooda isaga oo sheegay in sarkaalkii lagu arko dhaqan xumo uusan ka mid ahayn UPDF, loona baahanyahay in wax laga qabto.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com