November 7, 2019 (AO) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Shacabka magaalada baydhabo ayaa si weyn ula tacaalaya sidii ay isaga moosi lahaayeen daadad xooggan oo ku rogmaday Xaafadaha Magaalada.
Roobab lixaad leh ayaa da ay magalada wuxuna socday mudo dhowr Saacadod roobabka ayaa karkaarrada jabsaday wuxuuna ka yimid Dhanka Biyo Xireenka Magaalada .
Daadadka shalay waxa galaafteen nolasha gabar 18 sano jir ah kadib markii uu daad ku qaaday Bohosha Yaaq kumaan oo dhanka bariga kaga began magaalada Baydhabo .
Aamino Shariif Cali ayaa lagu magacaaba gabadha daadka qaaday waxay ka timid beeraha waxaana la socday hooyadeed iyo .
Dhanka kale Xildhibaano Katirsan DFS Oo ah Guddi Gurmad ayaa booqdey Goobaha ay saameeyeen fatahaadaha Roobabkii ka da’ay Magaalada Baydhowa., Waxay utageen qoysas waxyeelo ba’an kasoo gaarey daadadka
Guddoomiyaha degmamada baydhabo Xasan macalin ahmed biikole ayaa u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay howlaha lagu moosayo Biyaha, wuxuuna Bulshada ku boorriyay in ay Gacan buuxda ka geystaan.
Dhanka kale Guddoomiyaha degmada iyo masuuliyin ka kala tirsan dowlada dhexe iyo mamulka gobledka konfur galbedd ayaa u tacsiyadeeyay ehladii ka geeriyootay gabadhii 18 ahayd ee qaaday daadka shalay .
Caawa biya dartood Waxaa looga guuray xaafado dhowr ah oo ku yaala duleedka magalada Baydhabo xaafadaha waxaa ka mid ah Xaafadda Horseed qeebteeda xigta Keeroow Foge, Daaru salaam
Wararka qaar ayaaa sheegaya in ilma yar lagu la’ san yahay xaafadda Horseed reerihii degnaa halkaa ayaa sheegaya in ay cabsi ka qabaan in ay bohosha la tagtay, waxaa kaloo la soo warinayaa in Masaajidyo, Iskuulo, iyo gooba badan oo ganacsi uu daadka ka dhigay kuwo maran .
Warar Sugan Kala Soco Awdinle.com