Eedeyn kulul loo jeeday  dowladda federaalka soomaaliya

November 7, 2019 (AO) – Xildhibaan Sacdiya Salaad Samatar oo kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah in dalka Itoobiya ay ku xertay guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq Beledxaawo iyo Dooloow.

Arrintaasi ayay ku sheegtay inay tahay mid laga xumaado, iyadoona ka dalbatay in madaxda dowladda federaalka aysan awood u adeegsan muwaadiniinta soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigay.

 

Dowladda ayay ku tilmaamtay in horay ay Itoobiya ugu dhiibtay Qalbi Dhagax, haatanne ay ku dartay guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq Beledxaawo iyo Dooloow, maadaama maalintii shalay aheyd la xiray.

 

Xildhibaan Sacdiya ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa ku eedeysay inuu wato dowladda Itoobiya, islamarkaana waxaa ay tilmaamtay in xiligan dalka lala wareegay waa sida ay hadalka u dhigtay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com