Maxaa ka jira in C/samad Macalin Maxamuud oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde

November 07, 2019 (Awdinle Online) -Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdisamad oo doonayey inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kuna wajahnaa dalka Jarmarlka  ayaa loo diiday inuu dhoofo.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya xiriir dhowna la leh Cabdisamad ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inay arrintaan dhacday Isniintii lasoo dhaafay.

Sababaha looga hor-istaagay safarka Wasiirkii hore ayaa la sheegay inay la xiriirto arrimaha Ahlusuna oo la sheegayo in Madaxda Ahlusuna iyo dadka ku dhow dhowba dowladdu xayiraad saartay, sababo ku aadan khilaafka ka taagan arrimaha maamulka Galmudug.

Ex Wasiir Cabdisamad waxaa dhalay Hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud kaasoo hadda uu khilaaf weyn kala dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya ka dib markii Ciidamada Dowladda ay la wareegeen qeybo badan oo ka tirsan goobihii ay Ahlu Sunna gacanta kaga heysay Gobolka Galgaduud.