Wariyayaasha Waxay La Kulmaan Halis Caafimaad Goobaha Qaraxyada Ka Dhaca

November 7, 2019 (AO) – Wariyuhu ujeeddiisu waa helid  Xog, Sawirro iyo  sheekouin  xaqiiqda ku shalaysan

khasaaraha waxa ay ula sinnaan karaan dadka kale hayeeshee waxaa la sheegayaa in arrintaas mid ka duwan ay ka dhalato goobaha Qaraxyada.

19 Sano kaddib Suxufiyiintii ugu horreeyay ee tagay Xarunta Ganacsiga Mareykanka ee la weeraray 9/11/2001 ayaa hadda la xanuunsanaya cudurka Kansarka.

 

Wax kale kama aysan qaadin xanuunnadaas,waxaa ay ka qaadeen boorkii faraha badnaa ee ka baxayay goobta ay u tageen in ay war ka soo tebiyaan.

Xilligaas ma aysan dareemeyn, hayeeshee neefsiga ay neefsanayeen inta boorka hawada ku jiray ayaa saameyn taban ku yeeshay caafimaadkooda,waxaana uu isu beddelay Kansar.

Qaar ka mid ah wariyayaashii xilligaas soo tebiyay dhacdadaas ayaa hadda raadinaya magdhow ay ka helaan hay’adihii warbaahineed ee ay u shaqeynayeen,waxaana la arkay ilaa labo codsi oo ay u geeyeen hay’adaha raadiya magdhowga dhibbanayaasha.

 

Wariyayaasha waxaa lagula talinayaa in aysan horay ugu cararin goobaha qaraxyada ama musiibooyinka kale ka dhacaan, si aysan u qaadan boor aysan markaas dhib u arkeyn hayeeshee sababi kara geeri ka dhalata nooc ka mid ah kuwa ugu halista badan cudurka Kansarka.

 

Martin, oo 65 jir ah waxaa uu ka midyahay Wariyayaashii ugu horreeyay ee tagay goobtaas 9-September-2001, waxaa uu qabaa hadda Kansarka qeybta loo yaqaanno  Liposarcoma  oo ah qeyb dhif & naadir ah.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com