Sawiro: Dr. Abiy Axmed oo Sagootin u Sameeyey Xoghayihii hore ee IGAD

November 08, 2019 (Awdinle Online) – Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Itoobiya Dr. Abiy Axmed Cali ayaa sagootin rasmi ah u sameeyey Xoghayihii xilka ka degey ee urur gobaleedka IGAD ee Wadamada geeska afrika.

Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy ayaa si xoog leh u amaaney Eng. Mahboub Maalim xiligii uu hogaaminaayey ururka IGAD iyo shaqdii wanaagsaneyd ee uu u haayey dowladaha geeska afrika.

Dhanka kale Abiy Axmed ayaa la dardaarmey Xoghayaha Cusub Workneh Gebeyehu oo xilka loo magacaabeynsi rasmi ah ula wareegey.

Arintan ayaa waxaa ay u muuqataa in dowladaha Djibouti iyo Soomaaliya aysan raali ka aheyn sida loo maamuley iyo wadada loo marayba.

Isha wararka sugan awdinle.com