Baaritaan Geeridii Dr. Morsi iyo Sida loo fuliyey Dilkiisa?

November 09, 2019 (Awdinle Online) – Guddi madax banaan oo ah khubaro Qaramada Midoobey ka tirsan, ayaa ku dhawaaqay in dhimashii Madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi ee bishii June, ay u eg tahay “dil aan sabab laheyn” oo ay ka dambeysay dowladda Masar.

“Maxamed Morsi waxaa lagu hayey xaalad lagu tilmaami karey arxan daro, gaar ahaan intii lagu guda jiray shantii sano ee lagu hayey xabsiga” waxaa sidaas sheegey bayaan laga soo saaray xafiiska madaxa guddiga sare ee Qaramada Midoobey ee xuquuqda aadanaha.

Geeridii Maxamed Morsi “ka dib markii uu maray xaaladahan, waxaa lagu qeexi karaa dil ay dowladda dooneysay oo aan sabab lahayn” ayaa lagu yiri bayaanka. Morsi, oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Masar loo doorto si xoriyad iyo dimoqraad ah, ayaa geeriyooday 17-kii June 2019 isaga oo hortoogan maxkamadda magaalada Qaahira ka dib makrii uu istaaga ka dhacay.

Khuburada Qaramadda Midoobey oo uu hoggaaminayey Dr. Agnes Callamard ayaa warbixintooda ku sheegay in dowladda Madaxweyne General Cabdifitaax Al Sisi ay xabsiyada dalkaas ku gaysanayso xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo si “ku talo-gal ah” loo fulinayo.

Dr. Maxamed Morsi ayaa waxa uu xabsiga ku jiray muddo lix sano ah, waxaana guddiga QM ay sheegeen “in loo diiday daryeel caafimaad oo noloshiisa bad-baadin karo, isaga oo qabay cudurada sonkorta iyo dhiig-karka.”

Guddiga Khuburada ah ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda Masar “marar badan looga digay” xaaladda caafimaad ee sii xumaaneysay ee Morsi, ilaa ay ka gaartay “heer uu dhinto”.

Ma jiro wax caddeymo ah oo muujinaya in mas’uuliyiinta ay isku dayeen inay wax ka qabtaan walaacyada laga arki karo cawaaqibka ka dhalan kara.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Khuburada ayaa sheegay in dhibaatadii uu Dr. Morsi ku maray xabsiga ay ahayd qorshe dil oo sanado socday ugu dambeyna Morsi uu u geeriyooday.

Dowladda Masar weli kama aysan jawaabin natiijada baaritaanka Guddiga khubarada ah ee Qaramadda Midoobey ay xil saartey baaritaanka geerida Dr Maxamed Morsi.