Dhageyso :-Ra’iisul  Wasaare Khayre Oo Weerar Dhanka Afka Ku Qaaday Madaxdii Hore Ee Dalka

November 9, 2019 (AO) – Xasan Cali Khayre  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo ka qeyb galayey kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada  Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxdii isaga kaga horreysa talada dalka.

Khayre ayaa sheegay in markii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay la wareegeen xafiiska ay u yimaadeen hab dhaqan siyaasadeed oo aad u xun, islamarkaana ka duwan hab dhaqanka siyasaadeed ee ka jira caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligaasi la aaminsanaa in siyaasadda lagu raado dan gaar, laguna lunsado dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaaruhu Ayaa tilmaamay in dhammaan ay bedaleen hab dhaqankii hore , islamarkaana laga gudbay dhibaatooyinkii jiray, haatana dowladda Soomaaliya ay la qjaan aadeyso siyaasad ahaan dowladaha asaageeda ee ka jira dalalka caalamka.

Maalmihii  la soo dhaafay madaxda dowladda ayaa  eedeymo xoogan kala kulmayeen Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com