Donald Yamamoto oo Codsadey inuu la kulmo Imaamka Mudulood oo la is hor-taagtay

November 09, 2019 (AO) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegey in maalmo ka hor uu Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto uu soo dalbadey inuu la kulmo Imaamka beesha Mudulood imaam Maxamed Yuusuf.

Arintan kulan dalbashada ah ee Danjiraha uu soo codsadey ayaa imaaneysa ka dib markii ay beesha Caalamku dareentey kacsanaan siyaasadeed oo aad u xoog badan, dhiliilaha ka imaanaya mucaarad iyo hadaladda kasoo yeerey hoggaanka madasha xisbiyadda qaran ee dalka oo muujineysa walaac weyn oo hakad gelin kara geedi socodka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa Bishan 07 November 2019 maalmo ka hor soo saartey War-saxaafeed aan horey looga baran kaasi oo nuxurkiisu yahay in loo baahan yahay wada-shaqeyn iyo dib u heshiin dhex marta dowladda federaalka ah, dhinacyadda siyaasadda Soomaaliya iyo Maamul gobaleedyadda dalka.

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegeen Imaamka ayaa markii ay fariinta soo gaarteyba la xiriirey wasiirka amniga maxamed abuukar islow ducaale wuxuuna ku war geliyey arintan, Wasiir Ducaale ayaa isna la wadaagey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, hase ahaatee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa la xiriiray Safaaradda Mareykanka waxaa laga codsadey Safaaradda in kulan la balaariyo, lagana dhigo Odeyaasha beesha Hawiye iyo Safiirka

Wararka ayaa sheegey in ay safaaradu ka cudur daratey dibna u dhigtey kulanka imaamka iyo danjiraha.

Tan iyo markii ay midoobeen xisbiyada mucaaradka ah sameysteena madal isbaheysi ah waxaa la dareemayey culeys soo food saarey Madaxda sare ee dowladda federaal, iyadoo ay hore u jireen isfaham daro weyn oo u dhaxeysey dowladda iyo maamul gobaleedyadda dalka.

Dhanka kale Imaam Maxamed Yuusuf ayaa si toos ah loogu xantaa inuu gacan saar weyn la leeyahay Madaxda dowladda federaalka ah.