Munaasabado Lagu Xusaayo 12-Ka Mowliid Oo Ka Socda Gobolada Dalka

November 9, 2019 (AO) –Maanta magaalada baydhabo  iyo inta badan gobolada dalka Soomaaliya waxaa laga xusayaa munaasabadda 12-ka Mowliid oo ah maalintii uu dhashay Nabigeena Muxamed NNKH.

Munaasbaaddaan darteed ayaa waxaa magaalada baydhabo lagu dhajiyay boorar waa weyn oo lagu daabacay kalmadu lagu amaanayo rasuulka CSW.

Shaqaalaha dowladda ayaa Khamiistii loo sheegay inay fasaxyihiin Sabtiga maanta munaasabadda dhalashada Nabi Muxamed aawadii, kaddib warqad ka soo baxday wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xuumamadda Soomaaliya.

Xuska maanta ee 12-ka Mowliid ee lagu qabanayo magaalada baydhabo waxaana  ka qeyb gelaya sida qorshuhu yahay masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo culumaa udiinka somaliyed

Dadweyne fara badan oo ka kala yimaada xaafadaha magalaadaa baydhabo  ayaa ka qeyb gelaya xuska 12-ka Mowliid .

Wadooyinka magalada baydhabo  waxaa gaar wareegaya gawaari lagu shiday qasiidoyin lagu amaanayo nabigeena maxamed NNKH.

Xuska maanta oo kale 12-ka Mowliid ayaa culumada qaar waxa ay ku sheegeen inay banaan tahay, halka culuma kalena ay ku  sheegeen inaysan banaaneyn, balse waxaa badan inta aaminsan in maanta oo kale la weyneeyo dhalashadii Nabigeena Csw

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com