Taliyihii Ciidanka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca Oo Ka Soo Baxay Degmada  Gurceel

November 9, 2019 (AO) – Taliyaha ciidamada maamulkii Ahlu-Sunna ee u qaabil sanaa degmada Guriceel Cabdul Daahir Rooble  ayaa xalay la sheegay in lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, kadib markii maalmo ka hor ay Gurceel is kaga bexeen isaga iyo ciidamo uu watay oo taabacsanaa Ahlu-Sunna.

Taliyahaan iyo ciidamo uu wato ayay soo gaaraan Dhuusamareeb Wararka ayaa sheegaya in  uu wada hadal dhex maray taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo ay weheliyeen xubno kale oo uu ka  mid yahay Maxamed Axmed Cantoobo guddoomiyihii hore ee degmada Hodan.

Sarkaalkaas iyo ciidamo uu watay ayaa habeenno ka hor si nabad ah uga baxay magaalada Gurceel, kadibna waxaa gacan ku heynta magaaladaas la wareegay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com