Wasiiro Itoobiyaan ah oo Muqdisho Imaanaya Maalinta Beri ah

November 09, 2019 (Awdinle Online) – War lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdi Wasiiro ah oo ka socda dowladda Itoobiya ay todobaadkan booqasho ku imaan doonaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa sideed Wasiir oo ka socota dowladda federaalka Itoobiya ay Muqdisho imaan doonaan maalinta beri ah Axada taariikhdu tahay November 10, 2019.

Wafdigan Wasiirada ah ayaa qeyb ka ah Guddiga Isku dhafka ah heerka Wasiir ah ee horay ugu dhawaaqeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kuwaasoo ka shaqayn doona fulinta iyo dardar gelinta waxyaabihii labada dal ay ku heshiiyeen sanadkii tegey ee 2018, ka dib booqashadii uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Booqashadii bishii June ee sanadkii 2018 uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo qeyb ay ka yihiin is dhexgal labada bulsho.

Qodobka 7aad ee Heshiiska labada dal oo ahaa kan ugu culus oo muran ka dhex dhaliyay Bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ahaa in 4 dekadood ay maalgashato Itoobiya iyo dhismaha laami isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya

Wafdiga Wasiirada ee ka socda dowladda Itoobiya ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan dhiggooda Soomaaliya, iyagoo ka wada shaqeyn doona fulinta iyo xoojin heshiiskii ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Source by: jowhar.com