Xiisad Siyaasaded Oo Ka Taagan Deeganada Dowlad Goboleedka Puntland

November 9, 2019 (AO) – Baarlamaanka maamul gobleedka  Puntland ayaa  kalsoonidii kala laabteen guddoomiyii barlamanka Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed 7-dii bishan  waxaa soo if baxayay khilaaf siyaasadeed oo ka badalan kii sababay in xilka laga qaado guddoomiye Cabdixakiim.

 

Xiisada ayaa timid, kadib markiii uu guddoomiye Dhoobo-daareed ka horyimid kalsooni kala noqoshadii ay  ku sameeyeen 49 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada maamulka Puntland oo fariistay khamiistii la soo dhaafay, xilli uu guddoomiyuhu golaha u diray fasax seddax maalmood ah.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed oo salka ku heyso xilka qaadistii guddoomiyaha laga dareemayo inta badan magaalooyinka iyo gobolada mamulka Puntalnd.

 

Magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa la sheegay in uu gaaray Cabdixakiim Dhooba-daareed, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay odayaasha dhaqanka magaaladaas, waxaana la filayaa in maanta uu gaaro magaalada Badhan ee isla gobolkaasi Sanaag.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com