Dhageyso :-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Ku Wajahan Degmada Waajid

November 10, 2019 (Awdinle Online) – Magaalada waajid ee Gobolka bakool  waxaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen)  oo halkaasi ku wajahan.

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa haatan ku sugan magalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaana la filayaa in bari uu tago degmada waajid

Dhamaan Shacabka degmada waajid ayaa isu diyaarinaya soo dhowaynta  Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed( laftagareen) .

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu wadaa markii uu gaaro Degmada waajid  inuu kulamo la qaato Maamulka Degmada,Odayaasha,Waxgaradka iyo Taliyeyaasha laamaha amniga.

 

Axadii  waxaa gaaray Degmada waajid  wafdi wasiiro oo hor dhac u ah madaxweynaha Waxaana ka mid ah Wasiirka Amniga, Wasiirka  Gaadidka, Wasiirka Garsoorka iyo cadaalada Wasiirka  Gar gaarka Iyo Wasiir ku xigeenko

 

Ammaanka guud ee Degmada  waajid ee Gobolka Bakool ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Konfur Galbeed oo howlgal baarin ka wada degmada

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com