Dhageyso :-Madaxweyne Waare “Waxan Wacay Xasan Sheekh Wuxuuna Igula Hadlay Si Aan Wanaagsanay.”

November 10, 2019 (AO) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xalay saqdii dhexe uu ku soo wargeliyay Madaxweyne kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe in Beledweyne ay tagayaan Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Waare ayaa sheegay inay la xisbaatami doonaan Shirkadda leh diyaaraddii maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Beledweyne, isagoo ku eedeeyay inay sameysay mas’uuliyad darro, ayna qaadatay riski sida uu yiri.

 

Mr Waare ayaa sheegay in muddooyinkan xaalada garoonka diyaaradaha Beledweyne ay la tacaalayaan, isla markaana garoonak uu marna xirmayay marka uu roob da’o, marna uu furan yahay marka uu dhulka qalalo.

Waxaa uu sheegay in saaka 6-dii subaxnimo lala wadaagay in garoonka aan lagu degi karin, maadaama 600mitir oo dhulka diyaaradaha ku degaan uu biyo dhigay roobab xalay da’ay, isla markaana aysan diyaaradaha ku degi karin, gaar ahaan diyaaradaha nooca Focker 50.

Intaas kaddib waxaa uu sheegay inuu la xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh oo garoonka diyaaradaha joogay abaarihii 8-dii subaxnimo, isla markaana markii uu doonayay inuu la wadaago macluumaadkaas uu si kulul ula hadlay, kuna yiri maxaa ka galay saadaasha hawada, shaqo miyaad ku leedahay.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin sabab ay u hor-istaagaan wafdiga Madaxweynayaashii hore, isla markaana aanay jirin warka ah in raadaarka la dansaday, balse waxaa uu xusay in duuliyaha diyaaradda uu sameeyay qar iska tuurnimo, isla markaana uu dansaday raadaarka, kana jawaabi waayay, isagoo aan la hagin uu garoonka ka degtay.

 

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay ugu deeqeen gurmadka fatahaada Wabiga lacag gaareysa $200,000 oo dollar, isla markaana magacaabay Guddiga Gurmadka fatahaada Beledweyne.

Madaxweynayaashii  hore somaliya  Xasan Sheekh iyo sheikh shariif  kana kamid ah Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa saaka tagay garoonka Muqdisho, si ay ugu dhoofaan xarunta gobolka Hiiraan, balse waxa ay ka warheleen in  diyaaradii ay raaci lahaayeen la gaarsiiyay amar ka yimid dowladda oo la xiriira in aysan qaadi akrin madaxda xisbiyada mucaaradka ee kuwajahan Beledweyne

 

Siyaasiyiinta ka aragtida duwan Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaliila Xukumada Soomaaliya in ay maamulka hawada u adeegsanayso hub siyaasadeed oo ay ku cadaadiso hadba ciddii ay u aragto in ay ka aragti duwan tahay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com