Farmaajo Oo Ku Wajahan Magaalada Nairobi.

November 9, 2019 (Awdinle Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa ku wajahan magaalada Nairobi .

Wafdiga madaxweynaha uu hoggaaminayo ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka Hoggaamiyeyaasha Xubnaha ka ah Dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaas oo ka furmi doona todobaadkan gudihiisa  magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Wafdiga Madaxweynaha  inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaybta ka ah  shirka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com