Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo la kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

November, 10, 2019 (AO) – Wafdigi balaarnaa ee madasha Xisbiyada Mucaaradka ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Wafdigan oo ay horkacayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif xassan Sheekh Aadan ayaa kulan ay la qaateen Ugaas Xassan kala hadlay xaalada guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne oo dhawaan ay ku dhuftay Fatahaadii ugu cusleyd ee taariikhda inta la xasuusto soo marta magalada.

Waxaa isla soo qaadaan sidii loo dardargalin lahaa gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay Fatahaadda ee ku barakacay daafaha magaalada.

Waxaa weli si xoog leh u soconaya gurmadka kala duwan ee la soo gaarsiinayo magaalada Beledweyne madaama ay madasha Xisbiyada qeyb ka noqonayaan gargaarka socda.

Isha wararka sugan awdinle.com