Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Safar lama filaan ah u aadey Dalka Faransiiska

November 10, 2019 (Awdinle Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay u ambabaxeen dalka Fariinsiiska.

Wafdiga oo Garoonka diyaaradaha ay kasii sagootiyeen Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda ayaa waxaa ay ka qeyb-galayaan madasha nabadda Paris, oo ah isku imaad aan sidaasi u sii buurneyn kaasoo looga hadlayo Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka, waxbarashada iyo isdhexgalka bulshooyinka kala duwan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si xoog leh u daneynaya inta uu ku sugan yahay Faransiiska inuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda kasoo qeyb-galeysa Shirkaas, lama hubo in ay ku jiraan kuwo dhigiisa ah.

Safarkan oo aan wax muhiimad ah u laheyn dalka ayaa ilaa hada la ogeyn sabab uu Ra’iisul Wasaaruhu uga qeyb galayo, dadka qaar ayaa sheegey in Ra’iisul Wasaaraha uu xoogaa nasasho uu u arko ka maqnaashaha dalka iyo siyaasadaha kacsan ee looga soo horjeedo Xukuumadda uu garwadeenka ka yahay.