Wabiga Shabeelle oo ku fatahay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

November, 10, 2019 (AO) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo ka mid ah degmada iyo tuulooyin u dhow dhow.

Dalkii ku noolaa xaafaddaha Idha-Ceel iyo Bagabeeso oo mid ah xaafaddaha ugu caansan magaalada ayaa ka barakacay guryahoodii ka dib markii soo galeen daadad ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle.

Dadka ku sugan degmada Buula-burte oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saacad walba biyuhu isa soo taranayaan, lagana yaabo in ay isku fidiyaan xaafado kale hore leh.

Wabiga ayaa horay waxaa uu fatahaad uga sameeyay deegaano ka  tirsan degmooyinka, Baladweyne, Jowhar iyo Balcad, iyada oo dadkii  deganaa deegaannada uu fatahaada ka sameeyey ay barakaceen.

Magaalada Beledweyne oo ah halka ugu darran ee Fatahaadu ku dhufatay ayaa hadda wax biyo ah laheyn kaddib markii uu hoos u dhac weyn sameeyay Wabiga Shabeelle.