GEN CANSHUUR: CIIDANKA WAX SAAMAYN AH KUMA YEELAN XILKA QAADISTII DHOOBO-DAAREED

November 10, 2019 (AO) –Taliyaha Qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag S/Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo si kooban ula hadlay warbaahinta  ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in xilka qaadistii guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ay wax saameyn ah ku yeelatay ciidanka.

Taliye Canshuur ayaa dhinaca kale Somaliland ugu baaqay in ay ciidankeeda  kala baxdo degaanka Yubbe ee bariga magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo 11-kii Maarso ee sannadkan ay qabsadeen ciidamada Somaliland.

Gen Canshuur ayaa ku cel-celiyay in si dhakhso ah Somaliland tallaabo looga qaadi doono, haddii aysan la bixin ciidankooda haysta degaanka Yubbe ee gobolka Sanaag.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com