Wasiirka Gaadiidka Hir-Shabeelle Oo Xilka Ka Qaaday Maareeyihii Garoonka Beledweyne

November 10, 2019 (AO) – Wareegta ka soo badxady Wasaaradda gaadiidka ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maareeye cusub ay u magacaabeen Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maareeyaha cusub ayaa lagu magaacaabaa Yuusuf Axmed Diiriye waxaana wareegtada lagu magacaabay xilka looga qaaday maareeyihii hore ee garoonka.

Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ayaa xilligan u baahan dayac tir, maadaama ay ay samayn xoog leh ku yeesheen roobabkii ka da’ay dalka, kuwaas oo sababay in gabi ahaanba uu xirmo, waxayna diyaaraduhu Beledweyne uga degaan magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com