Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo ka hadlay xani baadi manta la saaray madaxdii hore

November 10, 2019 (AO) – Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte)  Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliyaayaa si xoogan u cambaareeyey xayiradii maanta lagu sameeyey Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne.

Caynte oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in xanibaadda madaxdii hore ay tahay daandaansi iyo bahdilaad, sida uu hadalka u dhigay.

Caynta ayaa  tilmaamay tallaadaban ay muujineyso kalsooni la’aanta xukuumadda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka inay ku tumanayaan Dastuuurka iyo shuruucda u taalla dalka.

Waa  markii labaad xayiraad lagu sameeyey wafdi hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inkastoo markii dambe la fasaxay, waxaana u jeedadoodu ay tahay kaliya qiimeynta xaaladaha ka jira gobolka Hiiraan .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com