Xiisad ka taagan xuduudda Gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo Itoobiya

November 10, 2019 (AO) – Goboladda dhexe ee Soomaaliya Wararka ka imaanaya  ayaa sheegaya in Xaalad kacsanaan ah ay ka jirta deeganada xuduudda Gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Odayaal dhaqameed lagu xirxirey deegaanka Shilaabo ee Gobolka Qoraxeey.

Nabadoonadan la xirey oo tiradooda gaarayso ilaa seddex nabadoon  ayaa waxaa lagu sheegay magacyadooda:- Nabadoon Ibrahim Jaamac nuur , Nabadoon Cabdi Xaashi Axmed  iyo Nabadoon Gaabane Xalane Go’aaye sida ay dadka deegaanka Shilaabo u Xaqiijiyeen Mustaqbal Radio.

Macada sababta loo xirey nabadoonadan balse wararka waxa ay sheegayaan in uu jiro khilaaf soo kala dhexgelay dadka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaano Liyuu Police-ka ee ka howl gala Gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidan Liyuu Police-ka ay kala hadleen soo daynta Nabadoona balse ilaa haatan ay Xiranyihiin,waxa ayna intaas ku dareen in halkaasi ay ka jirto Xiisad ka dhalatay arintaan oo u dhexaysa dadka Xoolla dhaqatada ah iyo Ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com