Dagaal Sababay Dhimasho & Dhaawac oo ka Dhacay Mudug

November 12, 2019 (AO) – Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar sababay dhimashada hal Ruux iyo dhaawaca mid kale lagu qaaday qaar ka mid ah dadka Dhuxusha Shida oo ku nool deegaan hoostaga Magaalada Gaalkacyo.

Howlgalka Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120km dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Galkacayo, waxaana la sheegay inay weerarka ka dambeeyeen maleeshiyaad deegaanka ah.

Odeyaal ka mid ah dadka ku nool deegaanka Dhagtuur ayaa warfidiyeenka u sheegay in dadka deegaanka ay horay ugu amreen inay joojiyaan dadka dhirta jaraya ee dhuxusha ka sameynaya, taasina ay ka dhega adeeygeen isla markaana ay keentay in xalay saqdii dhexe weerar lagu qaado.

Qofka dhintay ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadka Dhuxusha shidayay halka qof kale ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday uu dhaawac soo gaaray kaas oo la geeyey Isbitaalka deegaanka Dhagtuux ee Gobolka Mudug.

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug weli kama hadlin weerarka ka dhacay deegaanka Dhagtuur, waxaana Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

       Isha wararka sugan awdinle.com