Dhageyso :-Xasan Daahir Aweys ” Shiikh Shariif Waxaan Ka Quustay Marku Codkisa Siin Waayey Xasan Shiikh Waqtigii Doorashada ” .

November 12, 2019 (Awdinle Online) – Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa u caqli celiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif  Sheekh Axmed.

Xasan Daahir Aweys oo soo duubay muuqaal muddo nus saac ka badan soconaya ayaa ugu horeyn sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu u socdo qaab aan dadka munaasab u ahayn, isla markaana uu maskaxda kala socdo Maxamed Siyaad Barre.

Waxa uu sheegay in balanqaadkiisii iyo tasarufka Madaxweyne Farmaajo aysan is lahayn, sidoo kale maskaxdiisa iyo widciguna aysan is lahayn.

Dhanka kale xasan Daahir ayaa Shariif Sheikh ugu baaqay inuu Alle ka cabsado isla markaasna uu joojiyo dadka uu qiyaamayo.

” Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Sheikh Shariif  oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay, weliba Sheikh Shariif wuxuu Siyaad Barre uga duwanaa magaca Alle ayuu xilka ku qaatay, magaca Alle markaa ku qaadatayna meel cidlaa uga tagtay, haddii ay tahay mabda’ meel cidlaa uga tagtay, dadkiina meel cidlaa uga tagtay” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo bartiisa Facebook si toos ah muuqaal uga soo galay.

Xasan Daahir Aweys ayaa Shariif Sheikh Axmed ku eedeeyey inuusan ka cabsaneyn in dadka nacaan, wuxuuna sheegay inay jiraan dad badan oo Sheikh Shariif ku qatalan.

Wuxuu ugu dambeyntii sheegay inuu Shariif ka quustay markii uu codka siin waayey madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud waqtigii Doorashada ee sanadkii 2016-kii.

 

 

Sikastaba ha ahaatee, Xasan ayaa wuxuu u muuqdaa mid xudun u noqday ololaha ay xukuumadda Nabad iyo Nolol isaga difaaceyso dhamaan mucaaradka gaar ahaan Shariif Sheekh Xasan oo aqoon badan ay isku leeyihiin.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com