Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo kulmay:- (Sawiro)

November 12, 2019 (Awdinle Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qaabilay madaxda ka qeyb-galaysa shirka Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay Ee tirada dadweynaha oo ka furmay Nairobi.

Waxaa madaxdaasi ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo  oo shalay halkaasi gaareen.

Shirka la furmay Nairobi oo socon doona mudo laba Cisho ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA), iyada oo lagu jaangooynayo qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com