Halista Lagu Dhaxli Karo Yaanyo Shishiida

November 12, 2019 (Awdinle Online) – Waa qoraal aan kaga hadlayno halista laga dhaxli karo yaanyada lagu soo kaydiyo gasacyda birta, caaga iyo bacaha ka samaysan taasoo loo yaqaano “Canned Tomatoes”, Soomaalidu qaar waxay u taqaanaa “Yaanyo Shiishiid”.

Inkastoo aan ognahay in Yaanyadu ay faa’idooyin badan jirka u leedahay laakiin qaabka loogu xifdiyo gasacadaha ayaa ka dhigi karo mid halis ku ah caafimaadka bini’aadanka.

 

Maadaama yaanyadu ay aad ugu badan tahay fitamiin C-ga oo ka dhigayo mid aashito leh, waxaa gasaca inta aan lagu kaydin yaanyada ka hor lagu dahaaraa ama la mariyaa daawo loo yaqaano “Bisphenol-A” tan oo loo soo gaabiyo “BPA”, daawadaan waxay ka hortagaysaa in aashitada yaanyadu aysan cunnin birta, caaga ama bacda ama aysan ku dhex daxalaysan.

Markii hore waxaa la aaminsanaa in daawadaan aysan la falgalin cunnooyinka ku keydsan qasacadaha, laakiin yaanyada maadaama ay aashito tahay waxay si sahlan ula falgashaa maadadaan kiimikada ah iyadoo ku dhex milanto.

Maxay dhibaato keentaa maadada BPA?
Cilmibaaris lagu sameeyay maadadaan waxaa la ogaaday haddii jirka ay ku badato in ay khalkhal galiso habka jirka u shaqeeyo khaasatan dhinaca hormoonada, raggu waxay isku arki karaan hammi yari,

 

waxayna hoos u dhigtaa tayada shahwada dhinaca bacriminta,

haweenkane waxay isku arki karaan caado wareer iyo xanuunka loo yaqaano “Thyroid-ka”,

Waxaa kaloo la arkay in hooyada maadadaan jirkeeda ku bato haddii ay uur qaado inay ilmaha soo ridi karto,

haddii la siiyane ilmaha ka yar 5 sano in korriimada maskaxdooda ay hoos u dhimi karto.

Arrintaan awgeed waxay hay’adda cudurrada kontaroosho ee mareykanka ee loo yaqaano Center fo diseases control “CDC” ay cilmibaaris ku sameeyay kaadida 2517 qof oo muddo isticmaalayay yaanyo shiishiidka, waxaana la arkay in boqolkiiba 93% ay jirkooda si xad dhaaf ah uga buuxday maadadaan,

arrintaan waxay dhalisay cabsi badan oo shirkadihii badankood welwel ku abuurtay, Akhriso warbixinta kiimikadaan iyo baaristaas wixii ka soo baxay:

http://www.niehs.nih.gov/health/topics/agents/sya-bpa/

Shirkadihii waxay qaateen laba go’aan mid khaasatan kuwii ka shaqaynayay maraykanka iyo yurub, qaar waxay badaleen maadadii kiimikada oo meeshii ay ka ahayd BPA,
waxay ka dhigeen BPS, waxayna ku soo daabacadeen gasacadihii “BPA-free” taasoo ugala jeedaan in maadada BPA laga saaray, laakiin isla maadadii oo waxyar ka badalan ayaa lagu soo daray welina waxaa la aamisan yahay inay leedahay isla halistii, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ah.

Akhriso cilmibaaris tilmaamayso in BPA iyo BPS aysan waxba ku kala duwanayn: http://www.greenmedinfo.com/…/consumer-alert-bpa-free-goods…

 

Kuwa kalane waxay ka guureen gasacadihii oo waxay ku badaleen dhalooyin, tan oo aanan u baahnayn in la mariyo daawada kiimikada ee BPA, inkastoo ay qarash dheeraad ah ku noqotay laakiin waxay ku qasbanaadeen in yaanyo shiishiidyada la geeyo wadamada arrintaan uga digay bulshadooda in dhalooyin loogu shubo.

TALADA

 

Maadaama yaanyada wadankeena laga isticmaalo ay u badan tahay kuwa gasacadaha birta, caaga iyo bacaha ku jira, waxaan uga digaynaa bulshada inay ka fogaadaan,

waana in lagu badalaa yaanyo dabiici ah oo aan daawo lagu soo darin,

Haddii aadan heli karin ama awood u lahayn yaanyo dabiici ah fadlan raadso yaanyo ku keydsan dhalo, Ogow caafimaadkaaga qof aan adiga ahayn oo ka fakarayo ma jiro.