Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda DF oo lacag ugu Deeqday Gurmadka Fatahaadaha

November 12, 2019 (AO) – Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lacag dhan $10,000 ugu deeqay Dadka ay saameeynta ku yeesheen fatahaadaha Webiyada Dalka, si wax loogu qabto dadkaasi Soomaaliyeed oo dhibaatooda lasoo gudboonaatey.

Madaxda sare ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Lacagtaas ku wareejisay Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha, si ay u gaarsiiyaan dadkii loogu talagalay.

Xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda iyo howlwadeenadeeda sida ay uga qeyb qaateen u gurmashada walaalohooda dhibaataysan.

Talaabadani ayaa waxaa ay qeyb ka tahay dadaalada loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed oo saameynta ay ku yeesheen fatahaadaha iyo roobabka xiliga ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Isha wararka sugan awdinle.com