Kulan Xasaasi ah oo Dhaxmarey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Qaramadda ee Soomaaliya

November 12, 2019 (AO) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Xafiiskiisa Muqdisho ku qaabiley Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxaa inta kulanka uu socdey laga wadahadley arrimo la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, bani’aadannimada iyo dib u heshiisiinta.

Danjire Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay ka qaadato mar walba taageeridda dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida si loo gaaro himilada dadka, isagoo caddeeyay in ‘”kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta Qaramada Midoobey ee danaha dadka Soomaaliyeed “.

Dhanka kale danjire Swan ayaa si faah faahsan u sheegey in loo baahan yahay tanasulaad baaxad leh dhamaan dhinacyadda siyaasadda soomaaliya iyo wax walba laga hormariyo danta guud ee ummadda soomaaliyeed.