Lafti-gareen Oo Waajid  Kula Kulmay Mas’uuliyiin Hay, adaha Ka Howlgala Degmada Waajid:- (Sawiro) .

November 12, 2019 (Awdinle Online) – Madxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa  kulan la Qaatay Hay.addaha ka Shaqeeya Degmada Waajid waxaana ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo dadka ku nool degmadas .

 

Kulanka dhex maray Madxweyne  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen   iyo  Hay.addaha ka Shaqeeya Degmada Waajid waxaa  goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah golaha  wasiirrada  Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo degmada waajid , dhismaha nabadda, iyo fulinta mashaariic horumarineed.

 

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen   ayaa shegay in dadka degmada ku nool ay hiyiin dad dhiban hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto .

 

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan degmada waajid  lagana xureeyo alshabab , si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxda alshabab.

 

Cabdicasiis Xasan Maxamed  ayaa sheegay in maalmihii uu joogay magaalada waajid  uu wax badan ka ogaaday

 

Madaxweyne laftigareen  oo muda labo maalin ah ku  sugnaa degmada waajid ee gobalka bakool  ayaa la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu ka dhageystay baahiyadooda, waxa uuna dhagax dhigay mashaariic horumarineed .

 

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com