Madaxda Ugu Saraysan Oo Ka Wada Maqan Dalka Waa Maxay Sababta ?

November 12, 2019 (Awdinle Online) – Madaxda ugu sareysay ee dowladda Soomaaliya ayaa Caawa ka wada maqan dalka, Kuwaasoo safarro kala gaar gaar ah ugu maqan wadamo dhaca qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Madaxda wadanka ka maqan ayaa kala ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, iyo Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa  u dhoofay magaalada Nairobi, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta dadweynaha oo uu soo qaban qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA).

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Gudoomiyaha Baarlamaanka  ayaa isna u dhoofay  magaalada Addi-Ababa ee wadanka  Itoobiya.

 

Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna ku sugan dalka Faransiiska, wuxuuna halkaasi uga qeyb galayaa shir sanadeedka labaad ee madasha Nabadda Paris, Khayre wuxuu uga sii gudbi doonaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

 

Wadanka Kusime Madaxweyne waxaa Caawa ka ah Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/Weli Sheekh Ibraahim Muudeey, halka Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabkuna yahay Mahad Cabdalla Cawad.

 

Maqnaanshaha madaxda ayaa ku soo aadeysa xili wadanka uu ka jiro buuqa ka dhashay xanibaadii shalay Muqdisho iyo Beledweyn lagu saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka .

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com