Madaxweyne laftagareen Oo Degmada Waajid ku Dhegax Dhigay Dhismayaal cusub:- (Sawiro)

November 12, 2019 (Awdinle Online) –Madxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Maanta Degmada Weejid  ku dhigax dhigay Mashaarucyo Horumarineed .

Dhanka kale Madxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen , ayaa kormeeray  iskuulka degmada waajid  si uu qayb uga noqdo qorsha horumarinta adeegyada  waxbarshada mamulka  .

 

Madxweyne  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa sidoo kale  xariga ka jaray MCH  hooyada iyo dhalaanka  Degmada Waajid xarunta  ayaa dabooleysa baahiyada deg-degga ah ee bulshada Soomaaliyeed  degmadaas .

 

Bulshada ku nool  degmada waajid ee  gobalka Bakool iyo kan degmada Xudur oo markii  madaxweynha  soo gaaray magaaladaan ka codsaday in dowladdu wax badan ka qabato baahida degmada ka jirta , ayaa ka mahad celiyay dhagax dhigga mashruuc yadaan .

 

Shantii sano ee lasoo dhaafay, dadka degmada waajid ma arkin madax dowlad goboleedka konfur galbeed somaliya waxaana  dowladda  konfur galbbed  ka go’an in ay daboosho baahiyaha bulshada  reer  waajid  .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com