Taariikhda Taxanaha Golayaasha Sharcidajinta Baarlamaanada Soomaaliya

November 12, 2019 (Awdinle Online) – Soomaaliya, oo loola jeedo labadii gobol oo ku midowday Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii Luulyo 1960kii, waxay soo martay marxalado kala duwan tan iyo markii Dawladda Talyaaniga iyo midda Ingiriisku ay billaabeen in ay ku fidaan gobolladan laga billaabo dhammaadkii qarnigii 19aad.

 

Qoraalkan wuxuu ku salaysan yahay daraasad laga sameeyey taxanaha golayaashii sharcidejinta Soomaaliya soo yeelatay, qaabka ay golayaashu ku iman jireen, madaxdoodii iyo gunnada ay qaadan jireen. Daraasaddu waxay koobaysaa golayaashii sharcidejinta ee ka hirgalay labada Gobol ee Soomaaliya oo ku kala jiray gacanta Maxmiyadda Ingiriiska iyo Wasaayadda Talyaaniga oo 1dii Luulyo 1960kii ay ka abuurantay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Inta ayan Somaaliya xoroobin, labada gobol waxaa ka hanaqaaday golayaal sharcidejin oo markii hore ku dhisnaa hab magacaabid kaddibna doorasho.

 

Dhinaca Waqooyi ama Maxmiyadda British Somaliland marka laga billaabo, 1946 waxaa la dhisay gole lagu magacaabo Golaha La-tashiga (Advisory Council) oo sanakiiba hal mar shiri jiray.

1955tii waxaa la soo saaray sharci lagu magacaabay “The Somaliland (Constitution) Order in Council 1955” oo dhanqalkiisu dib u dhacay ilaa 1957, xilligaasoo la dhisay Golihii u horreeyay ee Sharcidejinta British Somaliland oo ka koobnaa xubno isku dhafan.

1959kii waxaa dhaqan galay mar labaad isla sharciga sare ku tilmaaman “The Somaliland (Constitution) Order in Council” oo lagu dhisay Gole sharcidejin ka kooban xubno la soo doortay iyo qaar ku yimid magacaabid.

 

1960kii doorasho ku salaysan isla sharcigii ahaa “The Somaliland (Constitution) Order in Council” ayaa ka dhacday Ex-British Somaliland. Waxaa doorashada ka qayb galay xisbiyadii halkaa ka jiray waxaana lagu soo doortay 33 xubnood oo ka kala tirsanaa saddex xisbi siyaasadeed: SNL: 20 kursi; USP: 12 kursi iyo NUF: 1 kursi.

Dhinaca kale ee Koofur, markii ugu horreysay ee Soomaalida ku nool dalkii loo yiqiin “Somalia Italiana” laga talogeliyey aayaha dadka iyo dalka, loona dhisay gole u habaysan qaab barlamaan, wuxuu ahaa xilligii Talyaanigu uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya isagoo ka wakiil ah Qarammada Midoobay, kalana wareegay maamulkii Soomaaliya dawladdii Ingiriiska oo gobolkan ka qabsatay Talyaaniga 1941kii.

la soco qeybta 2aad ee qoraaka

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com