November 12, 2019 (Awdinle Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Xogga dalka soomaaliyeed qeybta 60-aad janaraal Mohamed Sheekh Abdullahi ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib munaasabad ka dhacday Xarunta talista magalada baydhabo .
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidanka lugta Xoogga dalka Soomaaliyeed General Abdihamiid Maxamed dirir . saraakiisha iyo saraakil xigeenada ciidanka Xoogga dalka qeybta 60 aad .
janaraal Mohamed Sheekh Abdullahi ayaa xilka waxaa uu kala wareegay Jen. Cabdiraxmaan timaha cade oo muddo dhowr bilod hayay xilkan waxaana Taliyaha xilka ku nwareejiyay kula dardaarmay Taliyaha cusub inuu howlihii socday halkeeda ka sii wado .
Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed qeybta 60-aad janaraal Mohamed Sheekh Abdullahi ayaa balan qaaday in wada shaqayn fiican dhexmari donto saraakisha ciidanka iyo madaxda mamulka konfur galbed .
Taliyihii hore ee ee ciidanka Xogga dalka soomaaliyeed qeybta 60-aad janaraal cabdiraxman tima cade ayaa waxaa uu munaasabada ka sheegay in muddadii uu xilka hayay uu waxbadan ka badalay shaqada taliska, isagoona tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta wareejiyo xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad .
Taliyaha ciidanka lugta Xoogga dalka Soomaaliyeed General Abdihamiid Maxamed dirir ., ayaa faray Saraakiisha inay si daacad ah ula shaqeeyaan Taliyah cusub, isagoona xusay in dhankiisa uu si dhow ula shaqeyn doono.
Warar Sugan Kala Soco Awdinle.com