Ururka ONLF oo Doortay Gudoomiye Cusub

November 12, 2019 (Awdinle Online) – Ururka ONLF ayaa doortay Gudoomiye Cusub waxaana loo dooryey Mudane Halgamaa Cabdiraxmaan Sheekh Mahadi oo goordhow ku Guulaystay Doorashada Hogaanka Sare ee Ururka ONLF oo ka dhacday Magaalada Godey ee Gobalka Soomaali Galbeed ee Itooboya.

Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahadi ayaa mudo aad u dheer ka shaqeynayey xoreynta iyo madaxbaanida Gobalka Soomaali Galbeed, isagoo wakhti fara badan iyo dadaal dheeri ahna ku bixiyey.

Cabdiraxmaan Sheekh Mahadi ayaa hore u ahaan jirey Xoghaya arrimaha Xiriirka Dibadda ee Ururka ONLF, waxaadna moodaa in qiimeyn weyn uu ku lahaa shaqooyin fara badan, wuxuuna bedeley Gudoomiyihii mudada dheer hogaamin jirey Ururka Admiral Maxamed Cumar Cusmaan.

Ururka ayaa mudo aad u fog dagaal gacan ka hadal ah kula jirey dowladda Itoobiya iyo Xisbiga EPRDF ee uu hogaamin jire Meles Zenawi, hase ahaatee sanad ka hor isbadelkii ka dhacay wadanka Itoobiya ayaa ay fursad u noqotey in Ururo iyo Jabhado Mucaarad ahaa iyo Dowladda Cusub ay dib u heshiiyaan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa si shuruud la’aan ah ula sheegey inuu la heshiin doono dhamaan Jabhadaha, Ururada iyo Siyaasiyiinta mucaadka ahaa mudo dheer.

Itoobiya ayaa waxaa ay u muuqataa in ay gashey waji cusub oo ka duwan kuwii hore, waxaa la dareemeyaa xoogaa uun xoriyad ah oo dhinac walba leh, waxaa dalka kusoo laabanaya dad badan oo mudo dheer ku noolaa qurbaha.