Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Heshiis Gaarey

November 12, 2019 (Awdinle Online) – Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Paris oo uu ka socdo shirka Madasha Nabadda kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Ambassador Sergey Lavrov.

Xasan Kheyre iyo Levrov ayaa shaaciyey sida ay uga go’an tahay inay labada dal mideeyaan qaabka ay u wajahayaan la dagaalanka aragixisada caalamiga ah, sidaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka.

“Moscow iyo Muqdisho waxa ay xaqiijiyeen inay si wadajir ah u dheereeyeen wada-hadalladooda siyaasadeed iskuna xiraan siyaasadda arrimaha dibadda ee masraxyada caalamiga, oo ay ka mid tahay la dagaalanaka argagixsada.” ayaa lagu sheegey bayaanka.

Sergey Lavrov ayaa cadeeyey sida uu u taageersan yahay howlgalka nabadda ee Midowga Afrika uu ka wado, Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lasii wado dadaalada nabad loogu soo dabbaalayo Soomaaliya.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin kulankan ka dhacay magaalada Paris, hadaba waxaad moodaa in uu Ra’iisul Wasaaruhu mar walba raadinaayo inuu cagta meel walba uu madaxweynaha cagta dhigo, bartamihii bishii la soo dhaafey October ayey aheyd markii uu madaxweyne Farmaajo uu la kulmiye dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.

Warar Sugan kala soco awdinle.com