Dibadbaxyo hor leh ayaa Maanta ka bilowday Magaalada Diridhabe

November, 13, 2019 (AO) – Waxaa saaka abaaro 8:00 subaxnimo ayay rabshado ka bilowdeen aagga Konel, Magaala, rabshadahan ayaa u dhaxeeya dhalinyaro Oromo iyo Axmaaro ah.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka ag dhaw meelaha ay rabshaduhu ka socdaan waxaa xidhan oo albaabada loo laabay goobihii ganacsi ee ku yaalay Konel iyo Magaala, sidoo kale waxaa iyana xidhan suuqa u wayn ee Taywanka.

Sida la xaqijiyey Waxaa jira dhaawacyo labada dhinac ah, iyadoo gaadiidka gurmadku uu aad usocdo goobaha ay rabshadu ka socoto. Waxaa mid aad loola yaabo noqotay inaysan wax Ciidan ah oo jooga meelaha ay rabshaddu ka socoto aysan jirin.

Weli lama xaqiijin waxa sababay rabshadahan maanta ka bilowday Diridhabe, inkastoo xurguf waayadan u dhaxaysay labada dhalinyaro ee Oromada iyo Axmaarada.
Isha wararka awdinle.com