Dhageyso :-Guddoomiyaha Xisbiga Himilo  “ Dowlaada Hada Jirta Waxay Adeegsanaysaa  Sidii Kacdoonkii Dalka Suudaan Xukunka Looga Tuuray Cumar Al-Bashiir ” .

November 13, 2019 (Awdinle Online) –Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi  Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran  ayaa sheegay in naftooda halis la geliyay, kaddib markii diyaaradii u qaaday Beledweyne ee ay la socdeen Madaxweynayaashii hore sababta loo celiyay ay aheyd in shidaalka ka dhamaado, kaddibna la waayo dadkii saarnaa.

Guddoomiyaha  ayuu waxaa uu faah faahin kaga bixiyay safarkoodii Beledweyne iyo hadal ka soo yeeray Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kaasoo dood weyn dhaliyay.

 

Waxaa uu sheegay in safarkoodii magaalada Beledweyne ee xayiraadda la kulmay ay sabab u ahayd iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu doonayey inuu tago magaalada Beledweyne, sidaasina halis loo geliyey naftooda, oo lagu doonayey in diyaaradaasi uu shidaalka ka dhammaado, kadibna dadka saaran lagu waayo, taasoo ahayd ku talagal ay ka dambeysay laanta fulinta dowladda Soomaaliya, sida uu yiri.

 

Mar wax laga weydiiyay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif oo ahaa inuu dalka ka saarayo dowladda hada jirta ayuu sheegay in hadalkaas laga soo qaatay qeyb ka mid ah oo la buun buuniyay, taasna ay tahay arrin nasiib darro ah.

 

Suleymaan Maxamuud Xaashi  oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in dowladda aan ku dhaqmin sharciga ay dadka iska tuuri karaan iyagoo adeegsanaya qaabab kala duwan, sida kacdoonkii dalka Suudaan ee xukunka looga tuuray Cumar Al-Bashiir .

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com