Maxaa ka jira abaabulka banaanbaxyo ka dhan ah Dowladda Somalia oo ka socda Muqdisho

November 13, 2019 (Awdinle Online) – Sida aan wararka ku heleyno 48-dii saac ee ugu dambeysay waxaa xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka laga dareemayaa abaabulka Banaanbax looga soo horjeedo dowladda federaalka ah Soomaaliya, arintan ayaa waxaa sabab looga dhigeymuddo khashkhashaada bahdilka u eg iyo xanibaada joogtada ah ee lagu haayo Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Abaabulka ayaa waxaa si weyn waxaa looga dareemayaa baraha bulshada ay ku kulmaan iyo shabakadaha sida Internetka oo dad ay isla wadaagayaan.

Warbaahinta ayaa waxay isku dayday in ay hesho dadka ka dambeeya abaabulka Banaanbaxaan balse waxaa weli la heli la’yahay magacyadda shaqsiyaadka abaabualaya dibadbaxa.

Dhalinyarada loo xil saaray qaban qaabada ayaa noo sheegay in aysan jirin qof isku xir u ah banaanbaxayada, balse hadal heyn iyo dareen dadka qaar ay ka qaadeen qal qalkii amni ee dowladda ay gelisay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Dhalinyaradaan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dareenkooda si nabad galyo ah ku muujiyaan oo ay isugu yimaadaan laga soo bilaabo Liido ilaa KM 4 ee magaalada Muqdisho.

Dowladda oo aan la ogeyn in ay adkeysi iyo dulqaad u heyso arimahan aan soo sheegney ee dibad baxyadda ayaa hana laga baqdin qabaa in dadweynaha raba in ay dareenkooda cabiraan in si toos ah loo hor istaago amaba uu khasaare dhaco.

Warar sugan kala soco awdinle.com