Taliska Xoogga Dalka oo Beeniyey in Hub lagala Baxay Bakhaaradda Wasaaradda Gaashaandhigga

November 13, 2019 (AO) Taliska Ciifanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay warar sheegaya in hub lagala baxsaday Bakhaaradda Keydka ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga Dalka.

Gen. Maxamed Cali Bariise Ku-simaha Taliyaha ahna Taliye-xigeen Xoogga Dalka ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been ah oo aan sal iyo raad toona laheyn, lana doonayo in lagu marin habaabiyo Bulshadda Soomaaliyeed.

“Waxaan qirayaa in ay been tahay wararka sheegaya in hub lagala baxasaday Bakhaaradda Keydka Wasaaradda Gaashandhigga iyo Taliska XDS. Waa been lagu marin haabaabinayo Dadweynaha Soomaaliyeed oo ay hurinayaan cadowga Umadda”ayuu yiri Gen. Maxamed Bariise.

Ugu dambeyn waxaa uu baaq u direy dadka been abuurka faafinaya in ay ka waan toobaan, iskana ilaaliyaan waxyaabaha meel ka dhaca u ah sharafka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.