Weerar Qarax ah oo lala Beegsadey AMISOM

November 13, 2019 (AO) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamul Gobaleedka Hirshabeele ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay qarax xoogan ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay gudaha degmada Mahadaay.

Qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay ku lugeynayeen gudaha degmada.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa baahisay in ay la eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi, isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aysan cadeyn inta uu la egyahay khaasaraha.

Dhanica kale ma jiro weli wax War ah oo kasoo baxay maamulka degmada Mahadaay iyo taliska AMISOM oo ka hadlaya qaraxaasi.

Sida badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha deegaanada maamulka HirShabelle.

Warar sugan kala soco awdinle.com