Xildhibaan C/Fataax “Amarka Mobil-Keyga Lagu Jabiyey Waxaa Bixiyey Taliyaha Ciidanka Booliska “.

November 13, 2019 (Awdinle Online) – Cabdifataax Ismaacil Daahir oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in shalay uu  tegay Xarunta taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loogu saxiixo Ciidamo kamid noqda ilaaladiisa,hayeeshee si xun loola dhaqmay.

Waxaa uu sheegay in loo sheegay in Ciidamada uu saxiixi karo kaliya Taliyaha,hayeshee daqiiqado kadib uu ka baxay Albaab kale,markii uu taasi uu ka hadlayna taleefoonkiisii Gacanta laga jebiyey.

Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay muqdisho ayuu sheegay Xildhibaanka in la siyaasadeeyey Hay’adaha Amniga,isla markaana loo dhiibay dad aan aqoon laheyn,sidaasi daraadeed uu dacwad ka gudbi doono taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

“Mobile-keyga amarka lagu jabiyey waxaa bixiyey taliyaha Ciidanka Booliska,waana nasiib darro in hoggaankii Booliska loo dhiibo dad aan aqoon u lahayn,
Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa yiri”tacaddiyadaan joogtada ah cidda ka dambeysa waxaan la tiigsan doonnaa sharciga” Xildhibaan C/fataax .

 

Xildhibaano badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan,hayeeshee dhibaatada isaga loo geystay uu horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com