Baarlamanka Puntland oo Dooratey Gudoomiye Cusub

(Awdinle Online) – Waxaa Garoowe Maanta lagu qabtay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ka dib markii 7-dii Bishaan ay Baarlamaanka Maamulkaas xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodii Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

Doorashada oo ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Wareegii 1aad oo codeynta ayaa waxaa u soo gudbay musharixiinta kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 17,waxaana Wareego koowaad ku haray Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar)

Wareegii 2aad oo doorashada ayaa waxaa ku tartamay  Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ku guuleystay 4 Sano ee soo socota Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil kaas oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  uu helay 17 Cod.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Dhowaan ayey Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib markii ay mooshin ka keeneen, waxaana muddo todobaad gudihiis ku dhacday xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore iyo doorashada Guddoomiyaha cusub.