Dhageyso :-Maxamuud  Sayid Aadan  “ dowladda  wax wadahal   Lama Yeelan  Doono Ilaa La Sii Daayo Wasiir Janan”

November 13, 2019 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 14-November-2019 shir gudoomiyahay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada Jubbaland oo maanta qodobo kala duwan looga hadley.

Shirka golaha wasiirada ee maanta ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii uga danbeeyey ee Siyaasadda, Amniga iyo dhaqdhaqaaqyada kasoo cusboonaadey gobolka Gedo ee ku aadan duminta dhismaha haykalka maamul iyo ciidan ee halkaas kajira kaas oo ay DFS halkaas ka wado.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo warbaahinta la hadley kadib gabagabdii shirka ayaa faahfaahiyey qodobada shirka iyo arrinta gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wax wadahal aysan la yeelan doonin dowladda dhexe ee Soomaaliya ilaa dowladda Soomaaliya ay soo deyso Wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Muqdisho ku xiran.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay go’aansatay in aysan la hadlin dowladda ilaa Wasiirka Xoriyadiisa dib loo siiyo , islamarkaana ay ka mid tahay Shuruudaha wadahadalka.

Waxaa uu sheegay in Wasiirka uu ku xiran yahay Caddaaladda daro, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay Maxkamad soo taagtay.

Dhanka kale Maxamuud Sayad Aadan ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Ciidanka Itoobiya iyo Nabad suggida Soomaaliya ay falal ka baxsan Sharciga ka waddaan gobolka Gedo, islamarkaana ay nasiib daro weyn tahay in maanta Madaxweyne Farmaajo Jubbaland u adeegsado Ciidamo Itoobiyaan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com