Muuse Biixi oo Booqasho ku tegi doona Dalka Kenya.

(Awdinle Online) ― Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu socdaal ku tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la sheegaya in uu dhamaadka bishan uu socdaal shaqo ku tagi doono dalka Kenya, in kasta keynya iyo Soomaaliya siyaasad ahaa aysan isku wanaahsaneyn, haddana ma cada in uu marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya uu jiro.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu Nairobi kulan kula yeesho Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, taasi oo ka dhigaysa Biixi madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, ee ay qaabilan madaxweynayaasha Kenya.

Waxaa la filayo in safarka Madaxweyne Biixi ku tago dalka Kenya ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay hore u sheegeen siyaasiyiin Kenyan ah in Biixi uu socdaal ku iman doono Nairobi inta uusan dhamaan sanadkan.

Dowladda Kenya ayaa culeys weyn kala kulmeysa qaar ka mid ah siyaasiyiinteeda miisaanka culus, kuwaasi oo ku cadaadinaya in Kenya ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Somaliland.

Arintan hadii ay dhacdo waxaa ay dhabar jab weyn ku tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maadaama xiriir dowlaha Soomaaliya iyo Kenya uu sii xumaanaayo.