Sawiro: Maxay ka wada Hadleen Farmaajo iyo Uhuru

November 14, 2019 (Awdinle Online)-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Goordhow kulan ku yeeshay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi MaxamedM Maxamed Farmaajo iyo Uhuru M. Kenyatta.

Shirkan ama Kulankan oo ahaa mid Albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana labada Madaxweyne ay heshiis ku gareen in dib loo soo celiyo xiriirkii diplumaasiyadeed ee ka dhexeeyay labada dowladood.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa kulanka ka dib warbaahinta si wadajir ah uga hadlay, waxaayna ku heshiiyeen qodobadda xoose.

  1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)
  4. In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

Sida la wada ogsoon yahay safarkii ugu horeeyey ee Madaxweyne Farmaajo uu tago kenya waxaa jirey in sidaan oo kale lagu heshiiyey isla qodobadan hada halkan u qoran hase ahaatee waxaa keliya suuragley in diyaaradda ka duusha xamar ay tago Nairobi, inkastoo aysan sii soco arintaas

Warar sugan kala soco awdinle.comĀ