Sedaxda Musharax ee u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland

November 14, 2019 (Awdinle Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta maamlka Puntland ka bilaabatay doorashada gudoomiyaha golaha wakiiladda waxaana la dhageystay khudbadaha Musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.

Kulanka Golaha waxaa goobjoog ah 63-xildhibaan 3-mudane ayaa la sheegey in ay ka maqan yihiin fadhiga sida uu shir gudoonka goluhu sheegey.

Murashaxiinta u tartamaya xilka gudoomiyaha baalamaanka Waxa ay kala yihiin 1: Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, 2: Cali Axmed Saalax 3: Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Ku-xigeenka Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland ayaa golaha ka hor sheegay in uusan jirin wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay samayn karaan mudanayaashu inta ay socoto doorashada Gudoomiyaha lana xirayo albaabada hoolka in lagu guda jiro doorashada.

Isha wararka sugan Awdinle.com