Xamar: Mudaaharaad beri loo balansaa oo dib u dhacay

November 14, 2019 (Awdinle Online) – War hada nasoo gaarey ayaa sheegey in uu baaqdey Mudaahadaarkii ay qaban qaabinayeen Madasha Xisbiyadda Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xiriir aan ka helney Qaar ka mid ah Qabanqaabiyeyaasha Mudaahadaarka ayaa inoo xaqiijiyey in dib loo dhiggey Mudaahadaarkii beri oo jimco ah ka dhici lahaa magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Sababta loo baajiyey ayaa lagu sheegey in ay timid ka dib kulan kii galab dhexmarey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya, sida ay sheegtey Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma waxaa la isku raacay bay tiri in Arinta Badda lagu xaliyo si xoose oo labada Dowladooba Dan u ah.

Qaban qaabiyeyaasha ayaa waxaa ay si xoog leh u daneynayaa in uu Mudaaharaadkoodu noqdo mid balaaran iyagoo qiil badan u raadinaya, warar kale ayaa sheegey in Qaban qaabiyeyaashu ay ka baqeen hay’adaha amniga iyo Waxyeelo loo geysto dadka dibaxayada sameynaya.

Arinta mudaaharaadka ayaa looga gon lahaa in looga jawaabo is hor istaag labo jeer ay dowladda ku sameysey Madaxweyneyaashii hore MudaneMXasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.